ku hadiid
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku hadiid
v. rub something against something else, cause something to move along a surface
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ku_hadiid
de: rub s.t. against s.t. else, cause s.t. to move along a surface
lx: ku hadiid
pd: (hadiiday)
ps: v1=expr
key: ku_hadiid
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku shahiid
v. strive, be ~ get very busy (with some task)
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku haliil
v. act without hesitating; confront, face (up to)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ku_shahiid
de: strive, be ~ get very busy (with some task)
lx: ku shahiid
pd: (shahiiday)
ps: v1=expr
key: ku_shahiid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hadiid
f.mg1 (-day, -dday) 1. Ku h.: si hunguri weyni ku jirto wax u boobid. 2. Ku h.: si ku celcelis ah qalab aan af lahayn wax ugu goyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadiid
(fal) cunto iyo wixii la mid ah, si isdabajoog ah u cun ama u boob.
hadiid: (fal) (ku ~) dhagax, feedh iyo wixii la mid ah, si isdaba joog ah cid kale ula dhac. Dh: darandoorri.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khabiid
m.l (-dyo, m.dh) Qof aan weji furreyn oo xaasid ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khabiid
m. n. mean person
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khabiid
-ka: (n) unkind, cruel or mean person; malicious person ~ qabiid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khabiid
-ka: (magac, lab, keli) qof aan naxariis iyo jixinjix lahayn. Dh: qabbiid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khabiid
de: mean person {S}
lx: khabiid
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: khabiid
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku diin
v. be surprised ~ astonished at, be stupefied by
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku kadi
v. take someone by surprise, surprise
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ku kadi
-yey / say: (v) surprise (sarpareez); catch unawares
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka hadli
v. induce someone to talk, get someone to speak
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku fadhi
v. occupy; sit on
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku habbi
v. weigh down, press down
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku hadal
v. talk ~ speak (a language)
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku hammi
v. desire, aspire to, think about intensely, agonize over
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku harbi
v. force feed; eat ~ drink very quickly until one gets full
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kuhaamid
(Kuhaamid-da)
Waxyaalo aan weli dhicin waxkasheegid, ka warramid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuhaamid
m.f.dh eeg kuhaan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuhaamid
-da: (magac, dhedig, keli) waxyaalo aan wali dhicin sii sheegid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurdadiid
-ka: (magac, lab, keli) ciyaar gabay leh oo lagu ciyaaro fadhiga oo keliya, waxayna caan ku tahay gobollada Shabeellada Dhexe iyo Shabeellada Hoose. Qalabka lagu tumo waxaa ka mid ah shareero iyo daf.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Keenadiid
name: Kennadeed
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Keenadiid
nickname; name-m slavery refuter. Lit: he who refuses to be led to unwanted direction
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Keenadiid
magac loo baxsho wiil in la khasbo aan ogolayn oo gumaysidiid ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Keenadiid
de: Kennadeed
lx: Keenadiid
ps: name-m
key: Keenadiid
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku dhidid
v. sweat over; work hard for something
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku maliiq
v. smear ~ rub something on someone; put on heavy makeup
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku namiin
v. accuse someone unjustly, slander
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku sallid
v. force, compel; subject someone ~ something to
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ku_haliil
de: act without hesitating; confront, face (up to)
lx: ku haliil
pd: (haliilay / haliishay)
ps: v1=
key: ku_haliil
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku fadhiiso
v. sit on; hold down
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cunnaddiid
m.l 1. Qof aan cuntada ka cuni karin inta caadiga ah. 2. C. ah: ilmo yar oo aan cuntada si caadi ah u qaadan. la-mid: cunnaddiidis, cuntaddiid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cunnaddiid
m.l 1. Qof aan cuntada ka cuni karin inta caadiga ah. 2. C. ah: ilmo yar oo aan cuntada si caadi ah u qaadan. la-mid: cunnaddiidis, cuntaddiid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cunnaddiid
-ka: (magac, lab, keli) ilmo, aan cunnada ku fiicnayn oo diida.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuntaddiid
m.l la-mid: cunnaddiid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kacaandiid
(Kacaandiid-ka)
(siyaaso) qof aan kacaan ahayn ama kacaan ka soo horjeeda, oo diiddan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kacaandiid
m.l (-dyo, m.dh) Qof aan mabaadi' kacaan u hoggaansanayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kacaandiid
m. n., [compound] anti-revolutionary
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kacaandiid
-ka: (n) reactionary (riakshinari)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kacaandiid
-ka: (magac, lab, keli) qof kacaan siyaasadeed ka soo horjeeda.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kacaandiid
de: anti-revolutionary
lx: kacaandiid
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
syn: tawraddiid
key: kacaandiid
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku dhadhab
v. become attached to, be bound to someone ~ something
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku fagiiji
v. glare ~ stare at someone with one's eyes wide open
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku tahbiib
v. compel, force; intimidate, pressurize
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kul gudbid
Diathertnacy
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhadid
m.dh eeg dhad. la-mid: dharid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gadiid
(Gadiid-da)
Hooska harkii waxa bixiyey gondohooda ku soo urura.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gadiid
m.l Waqtiga kala bara gelinka hore iyo gelinka dambe.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Gadiid
Apparent time
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Gadiid
name: Gadid
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gadiid
f. n., [collective] barren ~ unfertile land
gadiid [feminine] n. midday; noontime shadow (when shadows are smallest)
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Gadiid
nickname; name-m midday; noontime shadow (when shadows are smallest); barren, infertile land (born on barren land)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Gadiid
magac loo baxsho wiil dhashay milay duhur ah ama qurux badan oo sida dharaarta u cad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadiid
-ka: (magac, lab, keli) maalinta badhtankeeda marka uu hadhku labadaada gondood joogo. Dh: duhur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haddid
haddid¹: m.l la-mid: haddidid.
haddid²: f.g1 (-day, -dday) Cid cabsi gelin. la-mid: handad².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
haddid
f.g1 (-day, -dday) Cid cabsi gelin. m.f.dh, haddidid. la-mid: handad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haddid
v. threaten, intimidate, harass
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haddid
(fal) u hanjab oo u cagajuglee. Dh: handid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haddid
bw: Arabic
cf: handad
de: threaten, intimidate, harass
lx: haddid
pd: (haddiday)
ps: v1=tr
key: haddid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hadfid
m.f.dh eeg hadaf³. la-mid: hadaf¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadhid
-da: (magac, dhedig, keli) baaqi ahaan; wax dhammaanaya adigu baaqsanaansho. Dh: hadhis, haris.
hadhid -da: (magac, dhedig, keli) wixii lala socday ee laga mid ahaa dib uga go'id; socod intii kali u baxday ka baaqasho. Dh: harid. Li: raacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hadlid
(Hadlid-da)
Waxa uurka ku jira afka kaga tiraabid, hadal ku sheegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hadlid
m.f.dh eeg hadal².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hadlid
vl. n. talking, speaking
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hadlid
-da: (n) the act of speaking or talking
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadlid
-da: (magac, dhedig, keli) wax maskaxdu doonayso inay tidhaahdo, cod u samayn oo dhihid, ku dhawaaqid. Dh: hadlis, hadal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hadlid
de: talking, speaking
lx: hadlid
pd: (-da)
ps: vn1-f
xe: talking about the weather
xv: hawada ka hadlid
key: hadlid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hadrid
m.f.dh eeg hadar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadrid
-da: (magac, dhedig, keli) isla hadlid hurdada dhexdeeda. Dh: qarwid.
hadrid -da: (magac, dhedig, keli) hadalbadni iyo afmiishaarnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khalii
(Khalii-ga)
Qoryo dhuudhuuban oo aqallada (cariishyo) lagu dhiso ama bedemmada, kd., lagu awdo; sarab; sadaq.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku aad
v. be due to ~ on; fall on (a certain day); align with
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku hay
v. bother, cause someone concern ~ pain; control, affect; experience something
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku lad
v. enjoy, take pleasure in something
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
ku rid
throw in
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku rid
v. put ~ drop in; pack something up; inflict
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kushad
(Kushad-ka)
Kul iyo caro iska dareemid; dhiidhiyid; xanaaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kushad
m.f.l eeg kusho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kushad
vl. n. rage, extreme anger
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kushad
-da: (magac, dhedig, keli) kul iyo cadho iska dareemid. Dh: dhiidhiyid, xanaaqid
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kushad
de: rage, extreme anger
lx: kushad
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: kushad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madiid
madiid¹: m.l la-mid: midiid¹.
madiid²: f.g1 (-day, -dday) la-mid: midiid².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qadiid
(Qadiid-ka)
1. Culayga weelka.
2. Madowga culaygu weelka u yeelo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qadiid
m.l 1. Culay weelka biyaha ama caanaha lagu nadiifiyo. 2. Madowga culaygu uu weelka u yeelo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qadiid
m.l 1. Culay weelka biyaha ama caanaha lagu nadiifiyo. 2. Madowga culaygu uu weelka u yeelo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qadiid
m. n., [collective] wood used for smoking milk vessels, etc.; the black color it produces
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Qadiid
nickname; name-m kinky haired; wood used for smoking milk vessel or the black color it produces (black)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qadiid
-ka: (magac, lab, keli) eeg qadaad.
qadiid -ka: (magac, lab, keli) madawga uu culaygut weelka ku reebo. Qadiidka lama maydhee waa la masaxaa. Dh: cugay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qadiid
de: wood used for smoking milk vessels, etc.; the black color it produces
lx: qadiid
pd: (-ka)
ps: n2a-m-col
key: qadiid
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xadiid
Steel
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xadiid
m. n. railroad
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xadiid
-ka: (n) iron (aay-an); steel (istiil) ~ bir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xadiid
-ka: (magac, lab, keli) macdanaha cidd jir mid ka mid ah oo aad u adag walxo badan soluhu u baahan yahayna laga sameeyo. Dh: bir.
xadiid-ka: (magac, lab, keli) labada birood ee jiifa ee roorka ama tareenku dul maro; dhabbada tareenka.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xadiid
bw: Arabic
de: railroad Lit: iron
initial: x
lx: xadiid
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: xadiid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhadhid
-da: (magac, dhedig, keli) wax qoyan oo qaadhay oo isku soo ururay harraad dartii ahaan. Dh: qaadhid, dhadhis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaadiid
(Gaadiid-ka)
Waxa la carto oo lagu guuro ama lagu socdaalo ama lagu dhoofo ama hawlo kale lagu qabsado, (dayuurad, markab, baabuur, awr, kd.).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaadiid
m.l.u Wax kasta oo la rarto, laguna guuri karo.